Daacish oo ka hadashay dagaal ay la galeen ciidamada Puntland

Wararka Maanta

Ururka Daacish ayaa qoraal ay soo dhigeen bartooda Twitterka ku sheegay in maalinimadii Axad dagaal ay la galeen ciidamada dowlad goboleedka Puntland deegaan 20km koofur uga beegan degmada Qandala.

img_20161219_003730

Daacish ayaa sheegtay in ay dagaalkaas ay soo qaadeen ciidamada maamulka Puntland, ayna ka dileen 11 askari oo uu ku jiro Taliye sare oo ka tirsan ciidanka Puntland oo ay magaciisa ku sheegeen Hurre Hiirad Yuusuf oo dhaawac u geeriyooday.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in ay degmada Qandala kula dagaalameen ciidamada maamulka iyo ciidamo maraykan ah.