Wararka laga helaayo Magaalada Ottawa ee dalka Canada, ayaa sheegaya in labo gabdhood oo Somali ah, islana dhashay lagu dilay dalkaasi.
Booliska waxa ay sheegeen meydka labadan gabdhood in laga helay hal meel, waxaana ay sheegeen Booliska inay u qabteen dad la tuhmaayo inay falkaan wax ka ogaayeen.
Gabdhaha la dilay ayaa waxaa lagu kala magacaabayey Nasiiba Noor oo 23 jir ahayd iyo Asma Noor oo 32 jir ahayd.
Booliska ayaa sheegay dilka gabdhahaan inay geysteen kooxo hubeysan, balse weli uu socdo Baarista la xiriirta Kooxahaasi.
Somalida ku nool dalka Canada ayaa aad uga naxay falkaasi argagaxa leh ee lagu dilay labada Gabdhood ee Somalida ah, kuwaasi oo walaalo ahaa.