Sidee loo dilay Safiirkii Ruushka ee dalka Turkiga (Sawirro)

Wararka Maanta

Toogasho xalay ka dhacday Magaalada Ankara, ayaa waxaa lagu dilay Safiirkii Ruushka u fadhiyay dalka Turkiga, Amb. Andrei Karlov.

Safiirka oo ku sugnaa matxaf lagu qabanaayay bandhig farshaxan, ayaa dhabarka laga toogtay, xilli uu khudbad ka jeedinaayay goobtaasi.

Nin dhalinyaro ahaa oo taagnaa dhabarka dambe ee Safiirka, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dhawr xabadood uu kaga dhuftay dhabarka.

Safiirka oo dhaawac ahaan goobtaasi looga qaaday, ayaa daqiiqado ka dib ugu geeriyooday isbitaalka, sida ay qoreyso Warbaahinta Ruushka.

Ciidamadii ammaanka ee matxafka ku sugnaa, ayaa markii dambe dilay ninkaasi, oo xilligii uu weerarka gaysanaayay ku qaylinaayay Allaahu Akbar iyo duqaynta uu Ruushka ka wado Magaalada Xalab ee dalka Suuriya.

Ninka weerarka gaystay, ayaa ahaa 22 jir u dhashay Turkiga, laguna magacaabi jiray Mevlüt Mert Altintas. Altintas ayaa ka tirsanaa Ciidamada Booliska Turkiga.

fb_img_1482173504425 fb_img_1482209574097 fb_img_1482209580729 fb_img_1482209584456 fb_img_1482209592082 fb_img_1482209595947