Sawirro: Gen. Cadde Muuse oo Aas Qaran loogu sameeyey Bosaso

Maydka allaha u naxariistee madaxwaynihii hore Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi oo 8-da bishaan ku geeriyoodey magalada Dubai ayaa laga soo dajiyay hadda garoonka diyaaradaha magalada Bosaso, iyadoona aas qaran loogu samayey magalada Bosaso. Aaska marxuub Cadde waxaa ka qayb galaya masuuliyiinta ugu saraysa maamulka Puntland, madax ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadwayne faro […]

Continue Reading

Sawirka iyo magaca mid ka mid ah ragii isku qarxiyey Kulbiyow

Warbaahinta gudaha ee dalka  Kenya ayaa sheegtay in mid ka mid ah Raggii isku Miidaamiyay Weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen xerada ciidanka dowladda Kenya ee degaanka Kulbiyow uu ahaa nin u dhashay dalka kenya. Ninkaan ayaa darawal ka ahaa mid ka mid ah Saddex Gaari oo la sheegay in ay isku qarxiyeen xerada ciidanka dowladda […]

Continue Reading

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Heshiiska Saldhiga ciidanka imaaraatka ee Berbera

Dowladda Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay Heshiiskii maamulka Somaliland ay la galay Imaaraadka Carabta kasoo u ogolaanaya in ay Saldhig ciidan ay ka furato Berbera. Hanti dhowraha Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in dowladda Imaaraadka Carabta ay la gasho Heshiis Somaliland oo ah maamul . Waxaa uu […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey Xaalada Camaara iyo Xarardheere

Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Camaara ayaa sheegay in ciidamada isgarabsanaya ay xalay ku hoydeen hareeraha magaalada, iyagoo xadiday dhaqdhaqaaqa gaadiidka soo galaya magaalada. Ciidamada ayaa la qorsheynayaa in daqiiqado kadib u ruqaansadaan dhanka degmada Xarardheere, waxa ayna ku jiraan diyaargarowgii ugu dambeeyey. Dhanka kale Alshabaab ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada degmada Xarardheere iyo […]

Continue Reading

Nabadoon Caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho

Waxaa Caawa suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Qudaarta lagu dilay Nabadoon lagu magacaabi jiray Bashiir Xagaley, Labo dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Nabadoonka, kadibna waxa ay ka baxsadeen goobta. Meydka Nabadoonka ayaa la sheegay in daqiiqado dhowr ah uu yaallay goobta lagu dilay, maadaama shacabka ay […]

Continue Reading

Guddiga Caleema saarka Madaxweynaha oo la magacaabay

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban sideed xubnood oo loo xil saaray qaban qaabada xafladda caleemo-saarka madaxweynaha jamhuuiyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. Xafladda caleemo saarka ayaa waxaa la sheegay inay dhici doonto 22-ka bishan Febraayo, sida ku cad qoraal kasoo baxay ra’iisul wasaare […]

Continue Reading

Ciidamada Huwanta oo gaaray Camaara

Waxaa goordhow gaaray magaalada Camaara ee gobolka Mudug ciidamo farabadan oo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi, ciidamadan ayaa saaka aroortii kasoo ruqaansaday magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug. Ciidamada Soomaalida ah ee Camaara gaaray ayaa ka kooban NISA Galmudug, Kumaandoosta Danab, PIS Puntland, Xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana duulaanka ku wehliya ciidamo Ajnabi ah oo […]

Continue Reading

Sawirro: Xildhibaan isku day dil ka badbaaday

Xildhibaan Muno Kay, ayaa xalay ka badbaaday weerar, kadib markii gaari ay leedahay lagu  rasaaseeyay magaalada Muqdisho. Xildhibaanada ayaa la sheegay in aysan la socon gaari, waxaana ku dhaawacmay darawalka xildhibaanadda. Xildhibaan Muno Kay, ayaa barteeda Snapcha-ka soo dhigtay in weerarkaasi lagu qaaday gaarigeeda. Muna Kay, oo fashion designer- ah ayaa waxaa ay ka mid […]

Continue Reading

Ciidamo Soomaali iyo Ajnabi isugu jira oo ku wajahan Xarardheere

Ciidamo xooggan oo wata in kabadan 30 gaari oo isugu jira Tikniko iyo xamuul ayaa saaka aroortii ka baxay magaalada Galkacyo, waxaana la sheegayaa in ay ciidan ku wajahan yihiin degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Ciidamadan ayaa isugu jira ajnabi iyo Soomaali, waxaana horkacaya taliyaha Nabad sugidda Galmudug G/sare Saadaq Cumar iyo Taliyaha Daraawiishta Galmudug […]

Continue Reading

Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ka hadlay Matalaada Gobolka Benaadir

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Somaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi,ayaa sheegay in Xubnaha Aqalka Sare ee dalka ay ka xun yihiin in Gobolka Banaadir uusan matalaad ku lahayn Aqalka Sare ee Somaliya. Guddoomiye Xaashi, ayaa sheegay in isaga iyo xubnaha kaleba ay dib ugu laabanayaan soo dhicinta xuquuqda Gobolka Banaadir oo aan xubin ku lahayn Aqalka Sare […]

Continue Reading