Ciidamada Huwanta oo gaaray Camaara

Wararka Galmudug Wararka Maanta

11

Waxaa goordhow gaaray magaalada Camaara ee gobolka Mudug ciidamo farabadan oo isugu jira Soomaali iyo Ajnabi, ciidamadan ayaa saaka aroortii kasoo ruqaansaday magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Ciidamada Soomaalida ah ee Camaara gaaray ayaa ka kooban NISA Galmudug, Kumaandoosta Danab, PIS Puntland, Xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana duulaanka ku wehliya ciidamo Ajnabi ah oo wata gawaari qafilan oo aan xabadu karin.

Ciidankan ayaa wata in kabadan 30 gaadiidka dagaalka ah iyo booyado, waxaana la sheegayaa in Caawa ku hoyanayaan Camaara, dadka deegaanka ayaa cabsi ka qaba in dushooda lagu dagaalamo madaamo shabaabku saldhig ku leeyihiin deegaanka Ceel Cabdi oo u dhow Camaara.

Sidoo kale ciidamadan ayaa waxaa hawada ka taageeraya diyaarado dagaal,wali waxaa shaqeynaya isgaarsiinta deegaanka, inkasoo laga cabsanayo in hawada laga saaro isgaarsiinta.

Wixii soo kordha kala soco halkaan www.ceelhuur.com