Sawirro: Gen. Cadde Muuse oo Aas Qaran loogu sameeyey Bosaso

Wararka Maanta

Maydka allaha u naxariistee madaxwaynihii hore Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi oo 8-da bishaan ku geeriyoodey magalada Dubai ayaa laga soo dajiyay hadda garoonka diyaaradaha magalada Bosaso, iyadoona aas qaran loogu samayey magalada Bosaso.

Aaska marxuub Cadde waxaa ka qayb galaya masuuliyiinta ugu saraysa maamulka Puntland, madax ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadwayne faro baddan.

Gen.Cadde Muuse wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidanka xoogga Dalka, wuxuu soo noqday Maayarka Ceel Afweyn iyo Gudoomiyaha Gobalka Sanaag.

FB_IMG_1487062928552 FB_IMG_1487062923883 FB_IMG_1487062919464 FB_IMG_1487062915276 FB_IMG_1487062910386