Wararka saaka naga soo gaaraya magaalada Camaara ayaa sheegay in ciidamada isgarabsanaya ay xalay ku hoydeen hareeraha magaalada, iyagoo xadiday dhaqdhaqaaqa gaadiidka soo galaya magaalada.
Ciidamada ayaa la qorsheynayaa in daqiiqado kadib u ruqaansadaan dhanka degmada Xarardheere, waxa ayna ku jiraan diyaargarowgii ugu dambeeyey.
Dhanka kale Alshabaab ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada degmada Xarardheere iyo deegaanka Caad, waxayna dadka ugu baaqeen in ay dagaalka ka qeybgalaan, Alshabaab ciidamadooda isugu geeyey dhulka howdka ah ee ku hareeraysan Xarardheere.
Sidoo kale ciidamo gurmad Alshabaab uga imaanaya dhowr magaaalo oo ay maamulaan, dadka rayidka ah ayaa guryahooda ku sugan, waxaana hawada heehaabayo diyaarado dagaal.
Gulufkaan colaadeed ayaa kusoo aadaya xilli dadka deegaanku la daalaadhacayaan abaar ba’an, oo inta badan xoolihii gacantooda ka baxeen, waxaana muuqda qorshaha dagaalkan inuu yahay mid laga leeyahay dano gaar ah.
Wixii kusoo kordha kala soco www.ceelhuur.com