Guddiga Caleema saarka Madaxweynaha oo la magacaabay

Wararka Maanta

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta magacaabay guddi ka kooban sideed xubnood oo loo xil saaray qaban qaabada xafladda caleemo-saarka madaxweynaha jamhuuiyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Xafladda caleemo saarka ayaa waxaa la sheegay inay dhici doonto 22-ka bishan Febraayo, sida ku cad qoraal kasoo baxay ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmajao ayaa lagu doortay doorasho magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacday sideeddii bishan.

FB_IMG_1487011523409FB_IMG_1487011992539