Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Heshiiska Saldhiga ciidanka imaaraatka ee Berbera

Wararka Maanta

Dowladda Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay Heshiiskii maamulka Somaliland ay la galay Imaaraadka Carabta kasoo u ogolaanaya in ay Saldhig ciidan ay ka furato Berbera.

FB_IMG_1487049454257

Hanti dhowraha Qaranka Nuur Faarax Jimcaale ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in dowladda Imaaraadka Carabta ay la gasho Heshiis Somaliland oo ah maamul .

Waxaa uu sheegay in Heshiiskaan uu yahay mid Qalad ah ,islamarkaan si qaldan wax loogu sheegay xildhibaanada Somaliland.

Dhawaan ayaa xildhibaanada maamulka Somaliland ay meelmariyeen Heshiis dowladda Imaaraadka Carabta u ogolaanaya in ay Saldhig ciidan ay ka furato Magaalada Berbera.

Waxaana arintaasi si weyn uga soo horjeestay Siyaasiyiinta ugu Caansan Somaliland.