Ciidamo xooggan oo wata in kabadan 30 gaari oo isugu jira Tikniko iyo xamuul ayaa saaka aroortii ka baxay magaalada Galkacyo, waxaana la sheegayaa in ay ciidan ku wajahan yihiin degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Ciidamadan ayaa isugu jira ajnabi iyo Soomaali, waxaana horkacaya taliyaha Nabad sugidda Galmudug G/sare Saadaq Cumar iyo Taliyaha Daraawiishta Galmudug G/sare Qooje dagaari.
Ciidamadan ayaa goordhow la filayaa in ay gaaraan degmada Camaara, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo kale oo ka baxay Cadaado iyo maaleeshiyo deegaanka ah.
Dadka deegaanka ayaa cabsi lasoo daristay, waxayna ka cabsi qabaan in ciidamadan aysan ujeedkoodu aheyn xoreynta Xarardheere, balse ay tahay qandaraas lacag lagu qaadanayo.
Waxaana horey u dhacday in Alshabaab laayaan dadka deegaanka, xoolahoodana dhacaan kadib markii ciidanka la dagaalamayaa kasoo laabtaan deegaanka.
Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com