Madaxweynihii hore Soomaaliya oo Shir uga qeybgalaya koonfur afrika (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka koonfur afrika  uga qayb galaya shir looga hadlayo caqabadaha haysta Africa, si loo helo natiijo wax ku ool ah oo wax looga qabto xaaladaha dhibaato ee ka jira Afrika. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxdii hore ee dalalka koonfur afrika, Tanzania. Tunisia, Nigeria, Soomaaliya […]

Continue Reading

Jen. Galaal oo ka hadlay Wadahadalada Galmudug iyo Ahlu sunna

Janaraal Maxamad Nuur Galaal ayaa sheegay in labada madaxweyne ee Galmudug iyo Ahlu-Sunna Waljamaaca ay mabda’ahaan isku raaceen in la mideeyo labada maamul isla markaana uu madaxweyne u noqdo Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Janaraal Galaal oo waraysi siiyay BBC-da ayaa sheegay in sidoo kale mabda’ahaan la isku raacay xarumaha hay’adaha dawladda la kala qaado, tusaale […]

Continue Reading

Maxay Soomaaliya ka Baran Kartaa Doorashadii Kenya?

Bariga Africa waxaa inta badan ka dhaca doorashooyin madaxtanimo taasoo ay ku wada tartamaan madaxda Dowladdaha uu wakhtiga ka sii idlaanayo iyo sidoo kale siyaasiin cusub oo doonaya inay qabtaan hoggaanka Wadamadaas. Dimuqraadiyadda Qaarada Africa gaar ahaana mida geeska Africa ayaa u muuqata inay tahay oo kaliyah mid un afka baarkiisa ku eg oo aysan […]

Continue Reading

Ciidamada Qeybta 21-aad oo la wareegay deegaanka Mareergur

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa saaka la wareegay deegaanka Mareergur oo 18 kiilo mitir u jirta magaalada Godinlabe. Ciidamadan oo kasoo ruqaansaday magaalada Cadaado ayaa dagaal la’aan la wareegay deegaankaas, ciidankii Ahlu sunna ee horey u joogay ayaa isaga baxay. Gulufkaan ayaa ku soo aaday iyadoo Jeneraal Maxamed Nuur Galaal wada hadal […]

Continue Reading

Wararkii ugu dambeeyey ee colaadda Xeraale

Waxaa caawa dagan goobihii lagu dagaalamay maanta deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud, dagaalkii maanta ayaa u dhaxeeyey ciidamada Ahlu sunna iyo ciidamada deegaanka, waxaana daba socdaa dagaal maalmahaan ka dhacayey halkaasi, waxaa muuqata ciidamada deegaanku ay iska difaaceen weerarka ciidamada Ahlu sunna. Dagaalka maanta ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday 7 ruux oo labada […]

Continue Reading

Jeneraal Galaal iyo Madaxweyne Xaaf oo caawa Shir ku leh Cadaado

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo muddooyinkaan ku sugnaa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo gaaray magaalada Cadaado fadhiga dowlad goboleedka Galmudug. Galaal ayaa caawa shir gaar ah kula jira Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf. Shirka labada Masuul ayaa ah mid albaabadu u xiran yihiin, waxaana loo ogoleyn saxaafadda, ilo ku […]

Continue Reading

Janan nabaddoon ah iyo wadaad waranle ah!

Magagga maalmaha, waxaad malo’awaasho waxaa ka badan inta ku soo marta, ee aad muuqsato maragna u noqoto. Noolow ayaamo uun adiga ayaa arkaya naadir iyo wax aad la anfariirtee. AMAKAAG! Cimrigaaga oo raaga, geel dhalaana waa ku tusaa! Warka ugu xiisaha badan maanta, waa General Maxamad Nuur Galaal, taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka, xilligii […]

Continue Reading

Jug Jug Meeshaada Joog Magacaabista Wasiirada Galmudug (Qormo Kooban)

Wasiirada aan wali kalsoonida ka helin barlamanka Galmudug ee uu magacaabay madaxweyne Axmed Ducaale Geele xaaf, ayaa u badan kuwii xukuumadii madaxweyihii xilka ka tegay C/kariin Xuseen Guuleed. Tirada guud ee wasiirarada, ku xigeenada iyo wasiir dowlayaasha uu magacaabay madaxweynaha Galmudug ayaa ah 52 xubnood, kuwaas oo in ka badan  75% ay mar kale soo […]

Continue Reading