Jug Jug Meeshaada Joog Magacaabista Wasiirada Galmudug (Qormo Kooban)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Wasiirada aan wali kalsoonida ka helin barlamanka Galmudug ee uu magacaabay madaxweyne Axmed Ducaale Geele xaaf, ayaa u badan kuwii xukuumadii madaxweyihii xilka ka tegay C/kariin Xuseen Guuleed.

Tirada guud ee wasiirarada, ku xigeenada iyo wasiir dowlayaasha uu magacaabay madaxweynaha Galmudug ayaa ah 52 xubnood, kuwaas oo in ka badan  75% ay mar kale soo laabteen, 22 wasaaradood ee kulmiya wasiirada ku xigeenada iyo wasiir dowlayaasha ayaa 6 ka mida loo magacaabay wasiiro cusub oo aan horay uga soo mid noqon xukuumadii madaxweyne xaaf ka horeysay.

6-da wasiir ee ku cusub xukuumada uu soo dhisay madaxweyane Xaaf ayaa kala ah :

  1. Maxamed Cabdi Maxamed wasiirka wasaarada cadaaladda iyo garsoorka
  2. Siciid Siyaad Shirwac wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha
  3. Hodan Cabdullaahi Shire wasiirka haweenka iyo arimaha xuquuqul adanaha
  4. Cali Yuusuf Xuseen wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha
  5. Maxamed Aadan Qalabxoor wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda
  6. Cabdullaahi Cali Maxamed wasiirka gaaadiidka cirka iyo dhulka

Waxaa jira wasiir ku xigeeno iyo wasiir dowlayaal aan badneyn oo iyana ku cusub xukuumadaan, iyadoo qaarkood wasiirada xilalka loo kala wareejiyay kuwana boosaskoodii dib loogu soo celshay.

Wasiiradaan wax ka badan 75% ay yihiin kuwiii hore ayey dadku isweydiinayaan sabaabta uu madaxweynaha galmudug dib ugu soo celiyay iyadoo la xasuusanyahay in badakood aysan horay u sameysan xafiis shaqada taas oo astaan u ah taag darida iyo waxqada la’aanta waxana laga war sugayaa waxaa ay soo kordhi doonaan hadii ay xildhibaanadu ansixiyaan.

Wariye: Daahir Faarax – Cadaado