Ciidamada Qeybta 21-aad oo la wareegay deegaanka Mareergur

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa saaka la wareegay deegaanka Mareergur oo 18 kiilo mitir u jirta magaalada Godinlabe.

Ciidamadan oo kasoo ruqaansaday magaalada Cadaado ayaa dagaal la’aan la wareegay deegaankaas, ciidankii Ahlu sunna ee horey u joogay ayaa isaga baxay. Gulufkaan ayaa ku soo aaday iyadoo Jeneraal Maxamed Nuur Galaal wada hadal ujoogo Cadaado.

Ahlu sunna ayaa awoodda isugu geysay deegaanka Xeraale, waxaana warar aan helaynaa sheegayaan in ciidamada Ahlu sunna ay gurmad ahaan uga soo baxeen Dhuusamareeb iyo Xeraale.

Waxaana laga cabsi qabaa in dagaal ka dhaco deegaanka, Ujeedada weerarka ayaa lagu sheegay sidii ay ciidamadu ula wareegi lahaayeen magaalada Dhuusamareeb caasimadda Galmudug. Inkastoo dhowr jeer oo hore weerar lagu qaaday ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug ku fashilmeen.

Nala soco wixii soo kordha ceelhuur.com