Sawirro: Kulan looga hadlayay adkeysiga isbadalka cimilada ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado

Kulan looga hadlayay adkeysiga isbadalka cimilada ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado, Kulanka ayna waxaa soo qaban qaabisay wasaarada Bay’adda Dhirta iyo Daaqa dowlad goboleedka Galmudug. Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiro, xildhibaano, qaybaha kala duwan ee bulshada waxaana halkaas aqoon isweydaarsi balaarani ku dhaxmaray dadkii kasoo qayb galay Wasiirka Wasiirada Bay’adda Dhirta Iyo Daaqa […]

Continue Reading

Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo Shacabka kula damaashaaday Xeebta Liido

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta booday xeebta Liibo Magaalada Muqdisho, Madaxweynaha oo ku labisnaa dharka ciyaariha ayaa la damaashaaday bulshadii ku sugneyd goobtaas. Madaxweynaha ayaa xaaladooda ka wareystay bulshadii uu la kulmay oo dhalinyaro u badneyd, sidoo Madaxweynaha ayaa kubad la ciyaaray dhalinyaro xeebta. Bulshada oo aan fileyn booqashada Madaxweynaha ayaa sawiro kula […]

Continue Reading

Dowladda Soomaaliya oo Itoobiya u gacan gelisay Sarkaalkii ONLF

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay ilo kala duwan ayaa sheegaya in Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee todobaadkii hore la keenay Muqdisho loo gacan geliyay dowladda Itoobiya. Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa ahaa Madaxii Xarunta Dhexe ee Ururka ONLF, waxaa bartamihii bishan laga qabtay Koofurta Gaalkacyo, iyadoo loo […]

Continue Reading

Warbixin gaar ah: Buuq ka dhashay Sarkaal ka tirsan ONLF oo lagu qabtay Galmudug

Buuq ayaa ka taagan Magaalada Cadaado fadhiga dowlad goboleedka Galmudug kadib markii ciidanka Nabad sugidda Qaranka ay shalay garoonka diyaaradaha Galkacyo ka dhoofiyeen sarkaal ka tirsan ururka ONLF. Ciidamada NISA ayaa todobaadkan gudihiisa ka qabtay ninkaan magaalada Galkacyo, Muddo maalmo ah oo ay halkaas ku hayeen ayaa shalay u qaadeen Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya. Ninkaan […]

Continue Reading

Barlamaanka Galmudug oo ansixiyey Golaha Wasiirada cusub (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi ayaa horgeeyey Barlamaanka Galmudug Golaha Wasiirada cusub oo ka kooban 23 wasiir, 22 wasiir ku xigeen, 8 Wasiiru dowle. Fadhiga Barlamaanka oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa waxaa soo xaadiray 66 Xildhibaan, waxaana Madaxweynuhu Khudbad […]

Continue Reading

XOG YAR OO KU SAABSAN DHACDADII BARIIRE:

Beeraleydii Bariire ee la laayay waxaa markii ay ciidamadu qabsadeen ay casuumeen, deetana ay la kulmeen, saraakiishii ciidamada dowladda ee la wareegay halkaas Isbuuc ka hor. Saas waxaa ii sheegay dadka deegaanka. Beeraleydu Waxay u sheegeen ciidamada bey igu yiraahdeen iney yihiin beeraley hubeysan oo qoryaha ay haystaan isaga difaaca ciidamo qaab beeleed u abaabulan, […]

Continue Reading

Sawirro: Maraykanka oo Xasuuq ka geystay deegaanka Bariire ee Sh. Hoose

Ciidamada Maraykan ah oo ay wehliyaan ciidamo Soomaali ah ayaa saaka xasuuq ka geystay beer ku taal deegaanka Bariire gobolka Shabeelada Hoose. Weerarkan ayaa dhacay aroortii hore saaka, waxaana dadkan oo rayid ah beertoodu ku laayey ciidamo Maraykan ah, ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa ajnabi ah ayaa todobaadkii hore Alshabaab kala wareegay deegaanka Bariire. Dadkan oo […]

Continue Reading

Madaxweynihii hore Soomaaliya oo Shir uga qeybgalaya koonfur afrika (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka koonfur afrika  uga qayb galaya shir looga hadlayo caqabadaha haysta Africa, si loo helo natiijo wax ku ool ah oo wax looga qabto xaaladaha dhibaato ee ka jira Afrika. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxdii hore ee dalalka koonfur afrika, Tanzania. Tunisia, Nigeria, Soomaaliya […]

Continue Reading