QM Oo maanta kulan deg deg ah ka leh Arinta Kuuriyada waqooyi

Wararka Maanta

Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay ayaa maanta oo talaado ah waxay kulan ku yeelan doonaan xarunta New York,kaasi oo looga arrinsanayo dalabka xukuumadaha Tokyo iyo Washington ka dib markii hogaamiyaha kuuriyada waqooyi uu gantaal ku riday hawada Japan sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed.

Kulankaani ayaa imaanaya ka dib markii ra’iisulwasaaraha Japan Shinzō Abe iyo madaxweynaha Mareykanka ay ku heshiiyeen  in kor loo qaado cadaadiska lagu hayo kuuriyada waqooyi.

Ra’iisulwasaaraha Japan oo madaxweynaha Mareykanka ku dhawaad afartan daqiiqo kula hadlay qadka telefoonka ayaa waxaa uu yiri “Waxaa nagu waajiba inaan si deg deg ah aan u qabanayo fadhi degdeg ah oo aan la yeelaneyno qaramada midoobay si loo kordhiyo cadaadisyada Kuuriyada waqooyi”.

Mr Shinzō Abe ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay kaalinta ay ka qaadan karaan Shiinaha iyo Ruushka inay Kuuriyada waqooyi ay ku booriyaan in ay badasho siyaasaddeeda.

Hadalkaan ayaa waxaa uu imaanayaa iyada oo Kuuriyada waqooyi ay riday sabtidii la soo dhaafay gantaalada ridada gaaban,kuwaas oo ay ku riday badda Japan,xilli tobanaan ku oo askari oo is kugu jira Mareykan iyo kuuriyada Koofureed ay ku sameynayeen dhoolo tus Jasiiradda Kuuriyada waqooyi.