Jeneraal Galaal iyo Madaxweyne Xaaf oo caawa Shir ku leh Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo muddooyinkaan ku sugnaa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maanta soo gaaray magaalada Cadaado fadhiga dowlad goboleedka Galmudug. Galaal ayaa caawa shir gaar ah kula jira Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Shirka labada Masuul ayaa ah mid albaabadu u xiran yihiin, waxaana loo ogoleyn saxaafadda, ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa inoo xaqiijiyey in Jen. Galaal oo isku dayayo sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa Galmudug iyo Ahlu sunna. warar  soo baxaya ayaa sheegay in Galaal uu Madaxweynaha u gudbin doono qodobo uu ka wado Ahlu sunna.

Wararka aan ka helayno dhanka Ahlu sunno ayaa sheegaya in ay ku kala aragti duwan yihiin ergeynta Jeneraal Galaal, iyagoo u arka inuusan ku matalin arintan. Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa xoogga saaraya sidii uu usoo xero galin lahaa  Ahlu sunna oo gacanta ku haya caasimadda Maamulka Galmudug Magaalada Dhuusamareeb.

Wixii kasoo baxa shirkaan kala soco ceelhuur.com