3 Dhacdo oo M. Farmaajo ku waayey taageerayaal badan W/Q: Cali-Daahir Yariisow

Arimaha Bulshada Qalinka Qoraaga Wararka Maanta

SADEX DHACDO OO MADAXWEYNE FARMAAJO UU KUWAAYEY TAAGEERO YAAL BADAN .

1.Dilkii Wasiir cabaas siraaji ,

Arrinka la xariirta dilkii wasiir cabaas dowladu waxay ka qaadatay go’aan dag dag ah, kaas oo keenay in xilka laga qaado hati dhowrihii qaranka , kadibna uu isaguna ku gacan seeyray. Ma jirin baarintaan dheeri ah iyo dib u eegis sharciga ka qaadista xilka hanta dhowrka guud, sababtoo ah waqti badan uma dhaxeyn xilliga dhacdadu dhacday iyo xilka qaadista hanta dhowrka dowladdu ku sameysay .

Dhankale waxaa arrinta sii adkeeyey go’aankii maxkamada ay ka qaadatay eedaysanahii lagu soo eedeeyey inuu dilka geystay, kadib markii cabashooyin kasoo baxeen ehelada eedaysanaha dilka geystay , iyagoo ku andacoonaya in dilka wasiirka uusan kas ahayn ee uu kama ahaa , isla markaana ay diyaar u yihiin iney la xaajoodaan ehelada wasiirka , hasa yeeshee dowladu ay dadajisay xukunka eedeysanaha . dhankale madaxda dowladuna go’aan rasmi ah oo lagu kala saaro dadkaas wali kama soo bixin .

2.Dhacdadii Bariire

Dhacada bariire waxay eheyd arrinkale oo xanuunbadan in dad soomaaliyeed oo beeraley ah kuna jira abaaro iyo macluul waqti dheer oo aan kala go’o lahayn qaatay walina helin dowlad uga garaabta , in hadana xasuuq loogu daro.

Intaas kuma ekeeyne haddan dowladii lafteedu ay ku tilmaamto iney ahaayeen dad Argagixiso ah , sheegtayna in howlgalkaas ay ka danbeysay dowlada soomaaliya.

Markale arrinkaas waxay keentay in shacab badani ka caroodaan una arkaan in dowladdu aysan ku socon wixii ay horey u sheegtay oo eheed iney dowladdu dowlad shacab tahay ilaalina doonto dhiiga shacabka iyo xuquuqdiisaba.

3.Dhiibitaanka Cabdikariin Qalbi dhagax.

Arrinta dhiibista sargaalka katirsan ONLF (Jabhadda Xoreynta Soomaali galbeed) waxay noqotay arrin ugub ku ah siyaasada gaar ahaan madaxda dowlada federal ah , mana ahayn wax horey ugu dhicin jiray dowladii dalka soomaray marka laga reebo dowladda haatan jirta.

Taasina waxay keentay markale in shacabkii iyo dhamaan ummada soomaaliyeed ka caroodaan falka dhiibitaank Abdikariim Qalbi Dhaqax . walina dowladdu faah faahin rasmi ah kama bixin sababta keentay in qof soomaali ah lagu wareejiyo dowlad aan soomaali aheyn hadana dagaal kala dhexeeyo .

ugu danbeyn hadii dowladda soomaaliya ay rabto iney ilaashato taageerada shacabka waa iney ilaalisaa dhowrtaana wax kasta oo ku keeni kara shacabka niyad jab iyo iney u arkaan dowladdaan mid ah dowladdihii hore .

Mahadsanid

W/Q: Cali Daahir Maxamuud (Yariisow)

Muqdisho-Soomaaliya