Buuq ayaa ka taagan Magaalada Cadaado fadhiga dowlad goboleedka Galmudug kadib markii ciidanka Nabad sugidda Qaranka ay shalay garoonka diyaaradaha Galkacyo ka dhoofiyeen sarkaal ka tirsan ururka ONLF. Ciidamada NISA ayaa todobaadkan gudihiisa ka qabtay ninkaan magaalada Galkacyo, Muddo maalmo ah oo ay halkaas ku hayeen ayaa shalay u qaadeen Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.
Ninkaan la qabtay ayaa lagu magacaabaa Cabdi kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax), Cabdi Kariin ayaa codsaday in aan loo gacan galin itoobiya, wuxuuna 15 sano u dambeysay joogay Soomaaliya, isagoo u qaabilsanaa isku xirka ururka ONLF.
Dowladda itoobiya oo aad u doondoonaysay ninkaan ayaa maamulka Galmudug ka dalbatay in lagu soo wareejiyo, iyagoo balanqaadyo u sameeyey, balse waxaa ku gacanseyray Taliska NISA Galmudug oo ninkaan u gudbiyey Magaalada Muqdisho kadib amar ay ka heleen xarunta dhexe sirdoonka dalka.
Arintaas ayaa waxaa aad uga carooday Madaxweynaha Galmudug, dhanka kale Wasiirka Amniga Galmudug oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Cadaado ayaa sheegay in dowladda federaalka ah ay soo celiso ninkan uu sheegay in arintaan ay xadgub ku tahay jiritaanka maamulkooda.
Sirdoonka iyo Nabad sugidda Soomaaliya ayaa xarumo kuleh Magaalooyinka Galkacyo iyo Cadaado, waxaana arintaan doonistan ninkaan la sheegayaa in ay ku lug lahaayeen siyaasiin iyo saraakiil gacan saar la leh itoobiya. ilo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyey in saraakiil uu ka mid yahay Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka tirsan Booliska adduunka interpol ay Cadaado u yimaadeen sidii ninkaan loogu wareejin lahaa dowladda itoobiya. Galaal ayaa mudooyinkii dambe saldhig u aheyd magaalada Guriceel.