Sawirro: Kulan looga hadlayay adkeysiga isbadalka cimilada ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Kulan looga hadlayay adkeysiga isbadalka cimilada ayaa lagu qabtay magaalada Cadaado, Kulanka ayna waxaa soo qaban qaabisay wasaarada Bay’adda Dhirta iyo Daaqa dowlad goboleedka Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiiro, xildhibaano, qaybaha kala duwan ee bulshada waxaana halkaas aqoon isweydaarsi balaarani ku dhaxmaray dadkii kasoo qayb galay

Wasiirka Wasiirada Bay’adda Dhirta Iyo Daaqa Galmudug Maxamed Soomaali oo ka hadlay kulankan ayaa sheegay in Galmudug Sadex sano roob ka da’in abaarana ay ku dhufteen waxaa uu intaas ku daray wasiirku in ay qayb weyn ka qaadatay isbadalka cimilada dhirta la xaalufinayo.

Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad goboleedka  Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa kasoo qayb galayaasha kulankan ku booriyey in ay abuuran geedo islamarkaana dib u dajin loo sameeyo dadka ceelalna laga qodo deegaanada abaaruhu saameeyen si wax looga qabto abaarta iyo xaalufka deegaanka.

FB_IMG_1504038280645 FB_IMG_1504038277447 FB_IMG_1504038270344 FB_IMG_1504038267574 FB_IMG_1504038252254

Sawirada: Axmed Cabdi Salaam – Cadaado