XOG YAR OO KU SAABSAN DHACDADII BARIIRE:

Wararka Maanta

Beeraleydii Bariire ee la laayay waxaa markii ay ciidamadu qabsadeen ay casuumeen, deetana ay la kulmeen, saraakiishii ciidamada dowladda ee la wareegay halkaas Isbuuc ka hor. Saas waxaa ii sheegay dadka deegaanka.

Beeraleydu Waxay u sheegeen ciidamada bey igu yiraahdeen iney yihiin beeraley hubeysan oo qoryaha ay haystaan isaga difaaca ciidamo qaab beeleed u abaabulan, dowladdana taageersan oo tiro aan yareen kasoo weerara beerahooda deegaanka No. 50 ee gobolka Shabeelada Hoose.

Ciidamadaas waxay isku haystaan beerahooda oo ay la sheeganayaan beeraleyda (qabyaalad ayaana ah furaha arrintaas). Weerarada ay maleeshiyo beeleedkaas horay ugu soo qaadeen beeraleydaas waxaa ku dhintay beeraley fara badan, kuwana wey ku dhaawacmeen, beerahoodina waa la gubayay mararka qaar.

Dhacdii ka horeysay tii shalay waxaa October 2016, iyagoo maleeshiyaadkaas la socda ciidamo kale oo dowladdeena ah iyo AMISOM, ku dhintay dad ay ka mid ahayd hooyo xaamilaa, beerana waa lagu gubay.

Waxaas oo dhan waxaa kasii horeeyay in 10-ka qof ee shalay la dilay ninka ugu sameynta badan, ee Allaha u Naxariistee la yiraa, Cali Axmed Aadan (Cali Waay) ay Ciidamada Gaashaan ka wateen Hoteelka Beder ee Magaalada Muqdisho bishii October 2016.

Kadib muddo 2 todobaad ahayd oo ay Al-shabaabnimo u haysteen waxa uu ii sheegay iney ciidamadu ku qanceen iney warbixin qaldan ka heleen dad ay beel ahaan u dirirsan yihiin, oo ay Shabeelada Hoose isla joogaan, kuwaas oo u sheegay in isaga iyo saaxiibkiis, oo waqtigaas maalin ka hor la xiray, ay yihiin Al-Shabaab, hase ahaatee ay mar qura dib u heleen xuriyadoodii, markii wax lagu waayay.

Xitaa waqtigaas kadib, waxay beeraleyda Bariire la kulmayeen dhibaatooyin ammaan oo hor leh, lana mid ah ama ka badan kuwii hore. Waxay ii sheegeen in maleeshiyada ay ka cabtaan ay idaacadaha Muqdisho ka sheegtaan iney weeraraan Al-shabaab.

Dhawr mar oo ay dowladda uga qeylo dhaansadeen arrinkaas ayay ii sheegeen in wax looga qaban waayay, ayna maciinsadeen iney iyaga uun isdifaacaan.

Beeraleydaas waxaa aad u nugleeyay in ay ku nool yihiin deegaan ay maamusho Xarakada Al-Shabaab, iyagoo waxa kaliya ee lagu marin habaabiyo dhibka haysta ay noqotay “sidee hadeysan Al-Shabaab ahayn ku haystaan hubka ay isku difaacaan?”. Arragtidaas waxaa ila wadaagay dadka deegaanka.

Qaarkood waxay ii sheegeen ineysan shalay uun ahayn markii ugu horeysay ee loosoo adeegsado ciidamo ajanabi ah, hase ahaatee ay dhacdadii shalay ahayd tii ugu xanuunka badneed. Ciidamada AMISOM ayay ii sheegeen iney si joogta ah ugu soo garaaci jireen beerahooda madaafiic ay walaalo badan ku waayeen.

Qof beeraley ah ayaa igu yiri “ciidamadu waxay ii diideen inaan ka cararo Bariire si aan nafteeda meel nabad iyo amaan ah u geeyo, iyagoo igu handaday inaan ahay Al-Shabaab, mar hadiiba aan ka tagayo deegaanka waqtigaan oo ay dowladdu joogto”. Haddiiba ay taas sax tahay, ma is qabataa wixii shalay ka dhacay Bariire iyo go’aanka qofkaas lagula celiyay meel amaankeedu saas yahay?

Sida isqilaafsan ee ay saraakiisha dowladdu uga hadleen dhacdadaas waxay muujinee iney dad gaar ah hawshaas wateen, oo ay si gaar ah ugu adeegteen magacii dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya, mana ahan markii ugu horeysay, oo waxaa sidan oo kale ay ciidamada Mareykanku weerar ku laayeen bishii September 2016 ciidamo Dowladda Galmudug ay leedahay, taasoo ay Mareykanku qirteen iney ahayd qalad ay galeen.

Mahadsanidiin
Nuur Cali Faarax