Sirdoonka Iiraan oo faafaahiyey sidii ay ku soo Furteen Afartii Badmaax

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Sirdoonka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay ku guul-daraysteen Iskaashi ay DFS ka codsadeen ka geystaan Hawlgal lagu soo furto 4 Kalluumeysato Iiraaniyiin ah oo lagu haysto meel ka mid ah Koonfurta Somalia. Wasiirka Sirdoonka ee dalkaasi, Maxamed Alavi ayaa ifiyey qaabka lagu soo furtay Kalluumeysatadaasi oo u afduubnaa Burcad-baddeeda […]

Continue Reading

Gudiga Doorashooyinka: Waxaa naga go’an iney Soomaaliya ka dhacdo Doorasho qof iyo cod ah

Gudiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo xusul duub ugu jira sidii ay ku dardargelin lahayeen howlaha hor yaala maadaama looga fadhiyo iney u gogol xaaraan doorashooyin lagu diirsado si looga xoroobo Odayaasha dhaqanka oo gacan xoogan ku lahaa soo xulitaanka xubnaha Baarlamaanadii Soomaaliya tan iyo sanadkii 2000 ayaa kulamo wadatashi ah la sameeyey qaar […]

Continue Reading

Iiraan oo soo dhoweysay Rag u Af-duubnaa Burcad Badeed Soomaali ah

Wasiirka Wasaaradda sirdoonka Iiraan Mahmoud Alavi, ayaa soo dhoweyn diirran ugu sameeyay Magaalada Tehraan Afar Badmaax oo muddo ku dhow Saddex Sana u Af-duubnaa Burcad Badeed Soomaaliyeed. Kallumaysatadan oo lagu kala Magacaabo Masoud Balouchi, Ahmad Balouchi, Adam Balouchi iyo  Shir-Mohammad Tabezar, ayaa dhammaantoodba ahaa Sunni ka soo jeeda Gobolka Baluchestan ee Koofur Bari Dalka Iiraan […]

Continue Reading

Askarigii Maraykanka ee lagu dilay Soomaaliya oo la aqoonsaday

Askarigii Mareykanka ee Jimcadii lasoo dhaafay abaara 2:45 p.m lagu dilay weerar ay Alshabaab ku qaadeen deegaanka Baar-Sanguuni gobolka Jubadda Hoose ayaa la aqoonsaday. Waxaa lagu magacabaa Alexander Conrad, waana 26 jir, sida ay sheegtay waaxda difaaca Maraykanka. Alexander Conrad ayaa la dilay , sidoo kale 4 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ayaa dhaawacmay, […]

Continue Reading

Jaamacadda SIU oo Tababar u qabatay Ardayda ka qalinjabiyey Dugsiyada Sare Cadaado (Sawirro)

Xubno ka socday Jaamacadda Caalimiga Soomaaliya (Somali International University SIU ) ayaa magaalada Cadaado tababar ugu qabtay Ardayda sanadkaan ka qalinjabiyey Dugsiyada Sare Cadaado. Tababarkan ayaa ardayda loogu sharaxay kuliyadaha Jaamacadda SIU, iyo habka xulashada kuliyadaha. Sidoo kale ardayda ayaa halkaa ku daawaday muuqaal sharaxaya sida ay jaamacadda SIU ugu heelan tahay waxbarashada bulshada Soomaaliyeed. […]

Continue Reading

RW Kheyre oo Xalay Kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane  xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana uu halkaasi kula kulmay Saraakiisha ciidamada. Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiirada Amniga, Qorsheynta, masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed. Ra”iisul wasaaraha ayaa kormeeray degmooyinka […]

Continue Reading

Ciidamada Maraykanka oo ka guuray Baar-Sanguuni

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degaaanka Baar-sanguuni, Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa baneeyay Degaankaasi, kadib markii ay kordheen weerarada Shabaab ay la beegsanayaan halkaasi. Degaanka Baar-sanguuni oo qiyaastii 50-KM dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa Jimcihii ina dhaaftay weeraray ururka Al-shabaab, weerarkaasi waxaa khasaare lagu […]

Continue Reading

Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda JFS oo Xafiis ka furatay Hobyo.”Sawirro”

Hay’adda Socdaalka iyo jisniyadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay xafiis lagu qabto howlaha Hay’adda waxa ay ka furatay Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug. Xafiiskan laga furay magaalada Hobyo ee Maamulka Galmudug ayaa waxa uu qaban doona bixinta Basaboorka iyo kontoroolka dhaqdhaqaayada ka socda Garoonka Diyaaradaha iyo Dakada Hobyo. Munaasabda xariga looga jarayay xafiiska ayaa waxaa […]

Continue Reading