Xubno ka socday Jaamacadda Caalimiga Soomaaliya (Somali International University SIU ) ayaa magaalada Cadaado tababar ugu qabtay Ardayda sanadkaan ka qalinjabiyey Dugsiyada Sare Cadaado.
Tababarkan ayaa ardayda loogu sharaxay kuliyadaha Jaamacadda SIU, iyo habka xulashada kuliyadaha. Sidoo kale ardayda ayaa halkaa ku daawaday muuqaal sharaxaya sida ay jaamacadda SIU ugu heelan tahay waxbarashada bulshada Soomaaliyeed.
Ka soo qeybgalayaasha oo goobta iyana ka hadlaya ayaa sheegay in ay waxbadan ka faa’iideen tababarkan, iyagoo sidoo kale codsaday xarunta Jaamacadda SIU uga furto magaalada Cadaado.