RW Kheyre oo Xalay Kormeeray qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir (Sawirro)

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane  xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho, waxaana uu halkaasi kula kulmay Saraakiisha ciidamada.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinaayay Wasiirada Amniga, Qorsheynta, masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir iyo taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Ra”iisul wasaaraha ayaa kormeeray degmooyinka Warta-nabadda, Dayniile, Howl-wadaag, Heliwaa, Wadada Warshadaha iyo goobo kale oo katirsan magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa la kulmay ciidanka Amniga oo uu ku dhiira geliyey howlaha culus oo ay u hayaan shacabka Soomaa;liyeed, isagoo sidoo kale hubinayey amar kasoo baxay Madaxweynaha dalka oo ahaa in bulshada loo fududeeyo isku socodkooda, kaasi oo si rasmi ah u dhaqan galay

“Waxaan caawa soo kormeeray qaar katirsan degmooyinka Magaalada Muqdisho si aan ugu kuurgalo xaaladda amni ee caasimadda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.