Sarkaal katirsanaa ciidanka Danab oo ku geeriyooday Qarax Miino

Wararka Maanta

Sarkaal caan ahaa oo ka tirsanaa Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa shalay ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in 6 askari uu ka mid ahaa Maxamed Cali Cusmaan oo loo yaqaanay Maxamed Yariisow ay ku geeriyoodeen qaraxaas oo ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in gaari ay la socdeen Ciidamada Kumaandooska ee DANAB uu qarax miino oo ahaa nuuca dhulka lagu aaso lala eegtay.

Sarkaalkan geeriyooday ayaa ka mid ahaa saraakiisha dhalinyarada ee ugu firfircoonaa Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee uu tababaray Mareykanka

Waxaa uu ahaa Taliyaha Cutubka 3aad ee Ciidanka Kumaandooska, waxaa lagu tilmaamay nin geesi ahaa, ka qeyb qaatay howlgalo kala duwan, waxaana uu ka mid ahaa Ciidamadii gudaha u galay Marka ee ka saaray Al-Shabaab.

Weerarka Miino ee lagu dilay Sarkaalkan iyo askarta la socotay ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab oo muddooyinkan kordhisay qaraxyada miino ee ka dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.