Michy Batshuayi  Oo Bedeli Doona Pierre-Emerick Aubameyang

Ciyaaraha

Weeraryahanka Chelsea Michy Batshuayi ayaa lagu soo waramayaa inuu Borussia Dortmund noqon doono  bedelkii Pierre-Emerick Aubameyang, kaasoo la fahamsan yahay inuu ku dhow yahay inuu u dhaqaaqo Arsenal.

Aubameyang, oo ku biiray kooxda Jarmalka sanadii 2013, ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Gunners, sida laga soo xigtay Bild.

Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in Dortmund, oo dooneysay weeraryahanka reer Belgium Batshuayi tan iyo markii uu  joogay Marseille, iyadoo  u soo bandhigeen weeraryahanka iinuu bedelo Aubameyang.

Batshuayi ayaa ku guuldareysatay inuu ku dego Chelsea oo uu ka hoos ciyaarayo Antonio Conte, waxa uuna kaliya labo jeer  Premier League ah kusoo bilowday xilli ciyaareedkan.

Conte ayaa 24-sano jirkaan ka diraya  Stamford Bridge, kaliya hadii bedelkiisa loo soo iibiyo  kooxda.