Sirdoonka Iiraan oo faafaahiyey sidii ay ku soo Furteen Afartii Badmaax

Wararka Maanta

Hadal ka soo baxay Wasaaradda Sirdoonka ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inay ku guul-daraysteen Iskaashi ay DFS ka codsadeen ka geystaan Hawlgal lagu soo furto 4 Kalluumeysato Iiraaniyiin ah oo lagu haysto meel ka mid ah Koonfurta Somalia.

Wasiirka Sirdoonka ee dalkaasi, Maxamed Alavi ayaa ifiyey qaabka lagu soo furtay Kalluumeysatadaasi oo u afduubnaa Burcad-baddeeda muddo 3 sanno ah.

Shabakadda Jamejamonline.Ir oo laga leeyahay dalka Iiraan waxay  maalintii Sabtida ee la soo dhaafay qortay Wareysiyo ay la yeesheen 4 Kalluumeysato ee la soo badbaadiyey iyo Khubaro ka tirsan Sirdoonka Iiraan  oo qeyb ka ahaa Hawlgalki ilagu soo badbaadiyey Kalluumeysatadaasi.

Shabakadda Jamejamonline oo lagu qoro Luqadda Pershiya ee looga hadlo dalka Iiraan iyo dalal kale ayaa sheegtay inuu Hawlgalkaasi qaatay muddo dheer, isla markaana ay Ciiddanka Kacaanka Iiraan ee Qudus Force muddo ka baaraan degayeen Hawlgalkaasi oo ahaa mid aad u adag.

Shabakaddu waxay qortay in Ciiddanka Quddus Force iyo kuwa Sirdoonka Iiraan ay culays kala kulmeen inay ka degaan Badda Kismaayo, iyadoo ay Diyaaradaha Drones-ka Maraykanka halkaasi ka wadaan Hawlgal ka dhan ah Alshabaab.

Khabiirka Amniga ee la hadlay Shabakadda Jamejamonline.Ir waxa uu tilmaamay inay go’aansadeen inay Dooni nooca Kalluumeysatada adeegsadaan, iyagoo ugu dambeyntii u soo gudbay dhulka, ilaa ay ka gaaraan goobtii lagu haystay Kalluumeysatada.

Khabiirka waxa kale oo uu tilmaamay inay Qorshaha qeyb ka mid ah ka soo abaabuleen dalka Tanzania, iyagoo dhanak Badda ku soo gaaray Xeebaha Jubbooyinka ee Koonfurta Somalia.

Khabiirka waxa uu tilmaamay in Hawlgalkaasi oo socday dhowr bilood ay ku guuleysteen inay 4 kalluumeysato soo badbaadiyaan, halka mid ka mid ah Kalluumeysatada oo ka baxsaday gacanta Burcad-baddeeda.

Kalluumeystahaasi la la’aa oo magaciisa lagu sheegay Golab  ayaa waxa  ugu dambeyntii la ogaaday inuu ku xiran yahay Xabsi ku yaalla dalka Ethiopia, waxaana dib loogu celiyey dalkiisa hooyo ee Iiraan.

Si kastaba ha ahaatee, DFS weli wax war kama soo saarin Hawlgalka ay Ciiddanka Khaaska Iiraan ka fuliyeen gudaha dalka Somalia, iyadoo la og yhaay in ay DFS horey xiriirkii Diplomaasiyadeed ugu jartay dalka Iiraan.

Xigasho: Radio Dalsan