Askarigii Mareykanka ee Jimcadii lasoo dhaafay abaara 2:45 p.m lagu dilay weerar ay Alshabaab ku qaadeen deegaanka Baar-Sanguuni gobolka Jubadda Hoose ayaa la aqoonsaday. Waxaa lagu magacabaa Alexander Conrad, waana 26 jir, sida ay sheegtay waaxda difaaca Maraykanka.
Alexander Conrad ayaa la dilay , sidoo kale 4 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Maraykanka ayaa dhaawacmay, iyagoo ku guda jira howlgal ay kula dagaalamayeen Ururka Alshabaab.
Mr. Conrad ayaa ku dhashay Mesa, Arizona. Wuxuuna ku biiray Cutubka 1aad, kooxda 3aad Ciidamada gaarka ah, oo saldhigoodu yahay Fort Bragg, Waqooyiga Carolina.
Conrad iyo Ciidamada Maraykanka ayaa ka barbar dagaalamaya 800 Askari oo ka tirsan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Kenya.
Maraykanka ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidamo gaaraya 500 Askari, kuwaas oo inta badan la howlgala ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya Danab.
Isha: Reuters