Yuusuf Garaad iyo Juxa oo xilkii laga Qaaday

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa 3 wasiir xilalkii ka qaaday, isla markaasna 3 wasiir oo cusub uu u magacaabay xilalkaas bannaanaaday.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horreyn xilalkii ay hayeen ka qaaday Wasiirada kala ah:

  1. Mudane Yusuf Garaad Omar, Wasiirkii Wasaarada Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah

  2. Marwo Khadra Axmed Ducaale, Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha

  3. Mudane Abdi Farah Said (Juxa), Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay 3 wasiir oo cusub oo buuxiya xilalka bannaanaaday.

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu arkay Qodobka 97aad farqadiisa 3aad ee Dastuurka Ku Meel Gaarka ah;

Markuu arkay Qodobka 97aad, farqadiisa 2aad, xarfaha A & B ee Dastuurka KMG ah;

Markuu arkay Qodobka 100aad xarfaha A, B, & C ee Dastuurka KMG ah;

Markuu arkay Hawlaha Baaxadda leh ee Horyaala Xukuumadda JFS;

Markuu Tixgeliyey Talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;

Markuu Garowsaday Baahida loo qabo Magacaabidda Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha; Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta;

Waxuu magacaabay:

  1. Mudane Maxamed Cadi Xayir (Maareeye), Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda JFS.

  2. Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-Heshiisiinta ee Xukuumadda JFS.

  3. Danjire Axmed Ciise Cawad, Waxaa loo magacaabay Xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda JFS.

Lama oga sababta xilka qaadista, balse mudooyinkan  ayaa waxaa jiray isku shaandheyn Golaha wasiirada oo la filayey. Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com