Maxay ka wada hadleen Fahad Yaasiin iyo Cabdikariim Guuleed?

Wararka Maanta

Maxay ka wada hadleen #Fahad_Yaasiin iyo #Abdikariim_Guuleed?

(Wadahal qarsoodi ah oo dhexmaray #Damu_jadiid iyo DFS)

Dowladda uu madaxweynaha ka yahay Muxamed Cabdullahi Farmaajo oo beryahaan la daalaa-dhaceysa culeysyo Siyaasadeed ayaa bilowday inay wadahadal hoose la gasho kooxda ugu miisaanka culus Saaxada Siyaasadeed ee Dalka Somalia.

Sida warar la xaqiijiyay ay sheegayaan Agaasimaha Madaxtooyada Somalia #Fahad_Yaasiin Xaaji Daahir oo dhawaan booqday Dalka Turkiga ayaa kulan Albaabada u xiran yihiin la yeeshay #Cabdikariim_H_Guuleed oo Kooxda Soomaalida ay u taqaano #Damu_Jadiib u wakiilatay wadahadala.

Booqashada #Fahad_Yaasiin ee dalka Turkiga iyo wadahadalada uu la furay Kooxda Damu_Jadiid ayaa ujeedkiisu yahay sidii culeyska loogu yareyn lahaa Dowladda Farmaajo.

Fahad_yaasiin ayaa u bandhigay qorshe cad oo awood wada qaybsi ah Kooxda uu matalayay Cabdikariim Guuleed si dalka looga saaro xiisadda Siyaasadeed ee uu marayo.

“Fahad_Yaasiin waxa uu Cabdukariim u sheegay inay diyaaru yihiin in la sameeyo xukuumad wadaag, ayna diyaar u yihiin in wax laga bedelo wasiirada oo dhan, waxaad qaadan kartaan wasiirada ugu muhiimsan wasaaradaha ayuu ku nuux-nuuxsaday Fahad Yasin, balse diyaar uma nihin in la taabto Boosaska Madaxweyne Farmaajo iyo PM Kheyre ayuu raaciyay Hadalkiisa Fahad yaasiin” Sidaasi waxaa iigu waramay Siyaasi si hoose ula socda wadahadala dhexmaray Kooxaha Farmaajo iyo Xasan Sheekh.

Laakiin wararka horu dhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya Cabdikariim Guuleed iyo kooxdiisa inay ku adkeysteen in marka hore PM Xasan Ali Kheyre meesha uu ka baxo si loo wadaago Awooda dalka, taasoo uu aqbali waayay Fahad Yaasiin.

Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Qolyaha Go’aanada sameeya ee Daaha gadaashiis ka xukuma Dowladda ayaa dareemaya inay jiraan Culeys ah in la keeno Mooshin lagu ridayo Xukuumadda ama Madaxweynaha,
Kooxda Damu-jadiid ayaa ah Kutlada (kooxda) ugu badan oo xubno ku leh labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo Kooxdani ka dhigeysa Awoodda 1aad ee labada aqal.
#Damu_jadiidka ayaa u muuqda kuwa taageero Siinaya kooxaha kale ee ku kacsan Dowladda Farmaajo sida Cumar Abdarashiid iyo Cabdiraxmaan Abdishakuur oo lagu eedeeyo inay wadaan mooshin lagu ridayo madaxda Somalia.
Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ka mid ah Kooxda Damu_Jadiid ayaa gudoon ku gaaray inaan la carqaladeyn Dowladda Farmaajo sanadka ugu horeeya si loo eego barnaamijkeeda Siyaasadda.

Kooxda Xasan Sheekh maxamuud iyo Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa xiriirkooda xumaaday xilligii la soo dooranayay xildhibaanada Soomaaliya, ka dib markii Danjiraha Imaaraadka toos u faro galiyay dadka noqonaya xildhibaanada Soomaaliya.

Kooxda Damu_Jadiid ayaa laga yaabaa inay toos u taageerto qorshaha Siyaasiyiinta qaar ay wadaan oo lagu doonayo in Xil ka qaadis lagu sameeyo #Madaxweyne Farmaajo waa hadii uusan wax iska bedelin mowqifka uu iclaamiyay Fahad Yaasiin.

Iskaashiga Siyaasadeed oo ay yeelanayaan kooxaha Dami_jadiid, Aalo_sheekh, iyo Axzaabta Siyaasadeed ee Daljir iyo Wadajir oo taageero toos ka heli kara Dowladda Imaaraadka Carabta iyo dowlado kale oo wali aan Banaanka iskeenin ayaa la rumeysan yahay inay gilgili karaan Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

Xeeldheerayaasha Siyaasadda Soomaaliya ayaa saadaalinaya suurto galnimada inay isku laabtaan Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Shaqsiyaadka Daaha_Gadaashiis ka maamula Dowladda taasoo laga yaabo bey leeyihiin in ugu dambeyn ay isku qanciyaan sidii loogu tanaasuli lahaa kursiga PM Kheyre si loo yareeyo cadaadiska heysta Madaxweyne Farmaajo oo dowladiisa shacabka ay u han weynaayeen.

Xeeldheerayaasha Soomaalida ee Gorfeeya Siyaasadda aan fadhin ee Soomaaliya ayaa rumeysan in Shaqsiyan #Madaxwyene Farmaajo uu yahay Shaqsi qalbi fiican oo aad u daneynaya in qaranka Soomaaliya uu noqdo mid cagahiisa isku taaga balse waxaa dhibaato ka heysataa Kooxdiisa ama la taliyaashiisa ama Shaqsiyaadka Siyaasadda dowladiisa kariya oo u badan shaqsiyaad aan aqoon u lahayn Siyaasadda, Maamulka iyo karinta arimaha inta aan la qaadan go’aanada.

Xuseen Saxnuuni,
Cairo, Egypt