Maalintii Isniinta ee taariikhda aheyd 4 bisha Janaayo ee sanadkan 2021, waxaa la xiray waddooyinka u dhaxeeya garoonka Aadan Cadde iyo Madaxtooyada, xilligaas waxaa soo degay madaxda ugu sarraysa Shirikadaha Liberty iyo Coastline Exploration.
Shirkadda Liberty waa shirkad yar oo Mareykan ah kana diiwan gashan gobolka Arizona, halka Coastline horay loo oran jiray Soma Oil And Gas, waxaana haatan xafiis ku leedahay Gobolka Texas.
Soma Oil waxaa Afrika wakiil uga ahaan jiray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre, haatanse waxaa wakiil u ah C/llaahi Shiikheey oo saaxib dhow la Wasiirka Batroolka Eng. Cabdirashiid Shiikhaaloow, sidoo kalena xiriir dhow la leh Taliyaha NISA iyo Madaxweyne Farmaajo.
Markii Xasan Cali Kheyre xilka Ra’iisul Wasaare loo magacaabay sanadkii 2017 ayuu caddeeyay inuu ka baxay shirkadda Soma Oil, Muddo dhan ayay qarsoonayd cidda Soma Oil wakiil uga ah Soomaaliya.
Sannadkii 2018-kii ayuu soo muuqday C/llaahi Shiikheey, waxaana uu billaabay inuu maalgelin toos ah iyo mid dadbanba siiyo Wasiirka Batroolka, Guddiyada kheyraadka ee labada aqal ee Barlamaanka iyo shakhsiyaadka saamaynta ku leh dardargelinta sharciga Batroolka.
Howlaha Coastline maalgelisay
Howlaha Coastline Exploration maalgelisay waxaa ka mid ahaa safarro Wasiirka uu ku tagay London dhowr jeer, shirar uu kaga qeyb galay Gobolka Texas ee dalka Maraykanka, shirar ay guddiga kheyraadka ee Golaha Shacabka ku qabteen Jabuuti.
Waxaa sidoo kale la wada xusuusan yahay sida uu C/llaahi Shiikheey uga dhex muuqday shirkii Afrika Oil oo lagu qabtay dalka Koofur Afrika dhammaadkii sanadkii 2018 iyo shirkii London ee February 2019 oo lagu soo bandhivay xogta sahanka Shidaalka Soomaaliya.
Si boobsiis ahaa ayaa Labada Gole loo marsiiyay sharciga Batroolka kaddibna waxaa saxiixay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo ay si adag uga soo horjeesteen qaar ka mid ah Mucaaradka iyo dowlad goboleedyada.
Dadka aad loogu xusuusto inuu howshaa daba taagnaa waxaa ka mid ah Guddomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka C/weli Muudeey oo howsha meelmarsinta sharciga loo xilsaaray, iyadoo si aan loo marin habraaca sharciga qabo lagu sameeyay Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, xilligii Xukuumaddii Xil-gaarsiinta ee Mahdi Guuleed. Waxaana madax looga dhigay shakhsiyaad ay isku heyb yihiin Shiikheey, Fahad Yasin, Sheekhaaloow iyo Guddoomiye Muudeey, iyadoo dhowr qof oo kalena lagu barxay.
Xisbiyada Mucaaradka iyo Puntland ayaa mar kale gaashaanka ku dhiftay sharcinimada Hey’adda Batroolka oo madax looga dhigay Ibrahim Xuseen oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaarddaas, ayna saaxiib gaar ah yihiin Wasiirka.
Shirka Istanbul
Dhammaadkii bishii November 2020-kii waxaa shirar isugu tagay magaalada Istanbul Madaxdii Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, Wasiirka Batroolka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo madaxda Shirkadaha Liberty iyo Coastline, waxaana halkaas lagu soo dhammeeyay wada hadal seddexgeesoodka ah, waxaana lagu heshiiyay in Muqdisho la isagu yimaado si loo saxiixo heshiiska, iyadoo ay goobjoog ka ahaanayaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaare iyo wasiiro kale.
Inkastoo dad Soomaaliyeed oo kala duwan, madasha Musharaxiinta, madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ka digeen khatarta xaraashka shidaalka, haddana dowladda Federaalka ah dheg jalaq uma siinin.
Sababaha loo boobsiinayay saxiixa waxaa ka mid ahaa Shirkadaha loo sheegay inay dowladda siinayaan lacag dhan 120 milyan oo Dollar haddii loo saxiixo 7 xirmo oo ay iyagu soo xusheen kuna yaal Galmudug iyo Koofur Galbeed, waxaa sidoo kale heshiiska ku hoos qarsoonaa mallaayiin dollar oo ay qaadanayaan Madaxda ku lug leh howshan xaraashka iyo xaqul qalam ay qayb ka heli doonaan dowlad goboleedyada ay khusayso.
Fashilka saxiixa shidaalka
Iyadoo loo maleynayo in wax kastaba dhamaadeen, lana diyaariyay goobtii uu ka dhici lahaa saxiixa heshiiska ayaa waxaa markan soo dhexgalay Bankiga Adduunka iyo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF), waxayna la hadleen Wasiirka Maaliyadda oo ay u sheegeen in tallabadani khilaafsan tahay heshiisyadii lagu galay deyn cafiska, kaasoo dhigayay in dowladda Soomaaliya aanay geli karin heshiis aysan faa’iiddiisa Soomaaliya lahayn ugu yaraan 55% heshiisyada shidaalkana waa ay adag tahay in dowladda Soomaaliya yeelato 50% muddada labaatanka sano ee soo socoto.
Waxaa kale oo iyana shuruudaha ka mid aheyd in la sameeyo sharciga canshuuraha macdanta iyo shidaalka oo aan ilaa iyo hadda la geynin Barlamaanka, waxay IMF soo qortay in ka badan 15 sababood oo aan loo gali karin heshiiskaan.
Howlaha noocan ah waxay ahayd in looga doodo Golaha Wasiiradda, laakiin marna ma aysan dhicin, waxaana Madaxweynuhu uu ku adkaystay in la saxiixo heshiiska, waxaase ugu dambayntii la soo xiriiray Safiirada dowladahii Soomaaliya ka caawinayay deyn cafiska, una sheegay inay ka baxayaan mashruuca deyn cafiska haddii la galo heshiiskan.
Ugu dambeyn waxaa halkaas ku soo afjarmay geeddi dheer oo ay kooxahan u soo galeen xaraashka shidaalka, waxaa sidoo kale soo baxaysa in mashuuca deyn cafiska uu gacmaha ka xirayo dowladda Soomaaliyeed ay qaado tallaabo aysan raalli ka ahayn Bretton woods systems oo la isku yiraahdo World Bank iyo IMF.
Xigasho: Jowhar.com