Qarax iyo Dilal xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan inta u dhaxeysa Buurta Diikow iyo Masjidka Irshaad ee xaafada Nageele ayaa xalay waxaa ka dhacay Qarax, kaasi oo si weyn looga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha ku yaalla degmada.

Qaraxan ayaa ka dhex dhacay Guri ku yaalla degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaasi oo la sheegay in lagu diyaarinayay, sida ay sheegeen Hay’adaha ammaanka.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay warbaahinta u sheegeen Qaraxan in uu ku dhintay Hal nin oo diyaarinayay, iyo wiil yar oo uu dhalay, sidoo kalena uu dhaawac ka soo gaaray xaaskiisa.

Waxay kaloo inoo sheegeen saraakiisha ninka ku dhintay Qaraxan in shalay uu ka yimid degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna saraakiisha sheegeen ninkan inuu xiriir la lahaa ururka Al-shabaab.

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xalay aad u hadal hayay dhacdadan, iyada oo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxan ay soo qaadeen Hay’adaha ammaanka.

Dhanka kale Kooxo hubeysan oo ka tirsan Shabaab ayaa xalay magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Seybiyaano dhanka degmada Hodan waxa ay ku dileen Haweeney ka tirsaneyd Booliska Soomaaliya..

Dhalinyaro Bastoolado ku hubeysneyd ayaa Haweeneydan waxa ay ku toogteen Dukaan yar oo ay halkaasi ku laheyd, maadaama maalinkii ay shaqadeeda Booliska gudan jirtay, halka habeenkiina ay Dukaankeeda iibsan jirtay.

Dableyda ayaa si farsameysan u dilay haweeneyda, iyaga oo gudaha u galay dukaanka, iskana dhigaya dad wax iibsanaya, kadibna ay rasaas ooda kaga qaadeen Haweeneyda, sida ay sheegeen dad goob joogayal ah.

Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Kaaha Jaamac, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo goobta tagay.

Mid ka mid ah Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa waxa uu halkaasi ka soo qaaday Meydka Marxuumad Kaaho, waxaana loo soo qaaday xarunta dambi baarista ee CID-da,si baaritaano loogu sameeyo.

Kooxdii dilka geysatay oo ka tirsaneyd ururka Al-shabaab ayaa waxa ay ka baxsadeen goobta, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada Dowladda Federaalka oo baaritaano ka sameeyay xaafada Seybiyaano.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen masuuliyadda dilkan, iyo dil kale oo xalay Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda loogu geystay degmada Hilliwaa.

Weeraradan ka dhacay Degmada Hodan ayaa waxa ay qeyb ka yihiin falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee Muqdisho ka dhaca.

Dilalka qorsheysan ee ay fuliyaan Kooxaha Bistooladaha wata ayaa ku soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii muddooyinkii dambe ammaanka Magaalada uu ahaa mid hagaagsan.

Xigasho: Risaala Radio