Dowladda Ciidamo geysay Beledweyne

Wararka Maanta

Garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan waxaa saaka ka dagay ilaa 4 diyaaradood oo siday 200 Askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad.

Sidoo kale diyaarado kale oo sida saanad iyo ciidan ayaa la filayaa in ay gaaraan Beledweyne, waxaana qorshe keenista ciidamadan yimid kadib markii Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ka codsaday Dowladda Federaalka Soomaaliya in maamulkiisa laga taageero sidii ay ula wareegi lahaayeen ammaanka magaalada Beledweyne.

Horey waxaa u fashilmay dadaalo nabadeed oo uu waday wasiirka Arimaha Gudaha DFS Gen. Mukhtaar, waxaana Beledweyne lagu xirxiray waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo horjeeday maamulka cusub ee Hirshabeelle.