Home » Wararka Dibadda » Xog:Xagee loo waday Hubka ay qabatay Ethiopia Date :January 11, 2018 Author :Cali Yare 561 views

Xog:Xagee loo waday Hubka ay qabatay Ethiopia

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay daraasiin Hub ah oo sharci darro lagu gelinaayay dalkaas, islamarkaana ay ku tuhmeyso in la damacsanaa in wax lagu yeelo amniga dalka Itoobiya.

Wasiirka difaaca Dalka Itoobiya Siraj Fegesa,ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka dalka Itoobiya ay gacanta ku dhigeen 270 AK , 200, Bastooladood iyo 66,000 oo Rasaas ah.

Dowladda waxa ay sheegtay in Hubkaas loo waday in lagu sii huriyo colaadda Oromada iyo Amxaarada kala dhaxeysa Dowladda dhexe ee Federaalka ah.

Itoobiya waxaa dalkaas ku rogtay 10 bilood oo xaalad deg deg ah taas oo billaabatay bishii August ee 2017-kii,waxaana ay ku sheegtay in ay ku joojineysay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda Federaalka ah.

Dowladdu ma sheegin in hubkan oo qarsoodi ahaa ay dad u soo qabatay iyo in kale sidoo kale ma aysan sheegin goobta lagu qabtay Hubkaas.

Dowladda Itoobiya marka laga reebo qowmiyadaha dibadbaxyada dhigaya waxa ay dagaal kula jirtaa Ururo asal ahaan salka ku haya Qowmiyayadaha hayeeshee leh ajende Siyaasadeed waxaana ugu caansan OLF,OLNF iyo G7.

Aragtidaada ka dhiibo