Daawo Sawirrada: Doorashada Madaxda Maamulka Hirshabeelle

Wararka Maanta

Waxaa caawa soo  dhamaatay doorashada madaxtinimada maamulka Hirshabeelle iyadoo doorashadan ay ahayd tii ugu horeysay ee lagu qabto magaalada Jowhar ee xarunta maamul goboleedka Hirshabeelle.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha Hirshabeelle halka Cali Cabdulaahi Xuseen(Cali Guudlaawe) loo doortay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha dowlada federalka iyo wafdi ballaaran oo ka socday maamulka Galmudug kuwaasoo uu horkacayay Madaxweynaha Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed. Wafdiga Guuleed ayaa waxaa ka mid ahaa mudanayaasha Aqalka Sare ee dhowaan ay doorteen baarlamaanka Galmudug.

Waxaa lagu wadaa in maalinta Khamiista ee ku beegan 20ka bishan Oktoobar 2016 lagu qabto magaalada Jowhar munaasabada caleema saarka Maamulka Hirshabeelle.

2-3 3-1 5 6 9 12 13 16 17 18 14606342_865711950195433_8272766402270555140_n 14708097_865711996862095_5836355733980887411_n 14717131_865711926862102_2701112631926070324_n 14721447_865711893528772_2810469429976984744_n madax

Comments are closed.