Madaxtooyada Puntland raaligelin siisay Koofur Galbeed

Wararka Maanta

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa raali galin ka bixisay hadal uu dhawaan sheegay Madaxweynaha Puntland CabdiWali Gaas, hadalkaas oo ahaa “Wiil ka yimi Xudur iyo Diinsoor iyo Buur-hakaba oo kabo dacasa qaba, inta noo yimaado naguna xukumo dalkayagii suurta gal maaha caqlina maana lagana yeeli maayo ”

Hadalkan oo baraha bulshada qabsaday todobaadkan ayaa waxaa aad uga xumaaday bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale Bulshada Puntland iyo Koofur Galbeed ayaa si isku mid ah u dhaleeceeyey hadalka Cabdi Wali Gaas.

Dhanka kale Siyaasiyiin ku jira Dowladda Federaalka oo kasoo jeeda Koofur Galbeed ayaa falcelin ka bixiyey hadalkaan, waana arinta keentay in Madaxtooyada Puntland ay raali galin Buuxda ka bixiso hadalkaas.

Sidoo Kale Puntland oo ku jirta xaalada doorasho ayaa siyaasiyiinta la loolamaya Cabdiwali Gaas ay ka faa’iideysteen hadalkaan, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid lagu faquuqayo bulsho gaar ah, maadaama Alshabaab ay ku jiraan dhammaan beelaaha Soomaaliyeed.