Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Kulan Ku Yeelanaya Muqdisho

Wararka Maanta

Xildhibaanada Baarlamanka jamhuuriyadda Faderaalka Ah Ee Soomaaliya Ayaa Maanta Oo Arbaco Ah Waxa Ay Kulan Ku yeelanayaan Xaruntooda Magaalada Caasimadda Ah Ee Muqdisho.

Dhammaan Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya Ayaa Xalay Lagu War-geliyey In Uu Jiro Kulanka Golaha Shacabka Ka Dib markii Fariin Loo Soo Diray, Waxaana Laga Codsaday In Ay Ilaaliyaan Waqtiga Ballanta.

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Maanta Ayaa Waxaa Looga Hadlayaa Xisaab Xirka Miisaaniyadda Dawladda Ee Sanadka 2017-ka.

Waxaa Aad loo Adkeeyey Amniga Guud Ee xarunta Golaha Shacabka Iyadoona Ciidamada booliska Soomaaliya ee qaabilsan ilaalinta xarunta golaha shacabka ayaa waxa ay xireen aagga xarunta golaha shacabka.

Ciidamada Ayaa Sidoo kale Gaadiidka U Diidaya Maritaanka Wadooyinka Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed.