Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
inta la xaqiijiyay 4 Askari ayaa ku dhaawacmay Qarax lala beegsaday Gaari uu lahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo).
Qaraxa oo sida la sheegay ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay Isgoyska Wadada Rugta Ganacsiga iyo Wadada Airport-ka ee Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga ee Maamulka Puntland.
Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay waxa ayna goobta ka bilaabeen howlgal ay ku baadi gobayaan cida ka dambeysay qaraxa.
Wali laamaha Amniga iyo Maamulka Magaalada Boosaaso ee Dowlad Goboledka Puntland kama aysan hadlin qaraxa maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga ee Maamulka Puntland.