Barlamaanka Galmudug Ansixiyey degmanimada Guriceel

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Degmanimada Magaalada Gurceel ee gobolka Galgaduud, kadib soojeedinta Wasaaradda Arimaha Gudaha Galmudug.

Golaha wasiirada Galmudug ay horey u ansixiyey in Guriceel degmo loo aqoonsado. Waxaana hindisahan horgeeyay baarlamaanka wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug si loo soo dhameystiro habraaca degmada Guriceel.

Guriceel ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn deegaanada Galmudug, waxaana la sugayaa in Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ku saaro digraato.