Xildhibaan mahad salaad”Sharciga batroolka sooma marin habraaca sharci dajinta:

Wararka Maanta

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in sharciga Batroolka ee Aqalka Sare soo gudbiyay 8-dii bishii Janaayo, isla markaana uu saxiixay Madaxweynaha 8-dii February 2002 ee shalay aysan soo marin habraaca sharci dejinta dalka.

Qoraal uu Mahad Salaad u diray Madaxweyne Farmaajo, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Garyaqaanka Guud ee dalka ayuu ku sheegay in sharcigaas aanu waafaqsaneyn dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Mahad Salaad u diray Madaxweynaha, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Garyaqaanka Guud:

Sharciga Batroolka Ee Aqalka Sare Soo Gudbiyey 8 Jannaayo, 2020, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Saxiixay 8 Febaraayo, 2020 Sooma Marin Habraaca Sharci-Dejinta Dalka, Mana Waafaqsana Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Ku: Madaxweynaha JFS
Ku: Gudoomiyaha Aqalka Sare BFS
Ku: Garyaqaanka Guud JFS

Og: Gudoomiyaha Golaha Shacabka BFS
Og: Wasaarada Batroolka iyo Macdanta XFS
Og: Shirkadaha Sahmiya ama Daneeya Batroolka

Mudane Madaxweyne,

Sida cad qodobka 87aad Dasuurka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya waa Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya; Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka KMG ah. Wuxuuna xilkiisa u gudanayaa si waafaqsan Dastuurkan iyo sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sida ku cad qoddobada 4aad iyo 55aad Dastuurka: Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan. Sidoo kale Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka waa hay’adda sharci-dejin ee dalka ugu sareysa waxayna masuuliyadaha sharci-dejinta u gutaan si waafaqsan Madaxa Afraad ee Dastuurkan ee ku saabsan habraaca sharci-dejinta heerka Qaran.

Iyada oo ay sidaas tahay ayuu Golaha Aqalka Sare wuxuu soo gudbiyay Sharciga Batroolka ee tirsigiisu yahay Tix: GAS/B-10/KF6/09/2020 kuna taariikheysan 06 Janaayo 2020 ka dib markii fadhiga Golaha oo ay soo xaadireen 28 mudane (Senators) ay 24 mudane kaliya ogol ugu codeeyeen halka afar (4) mudane ay diidmo ugu codeeyeen.

Hadaba, Codeyntani waxay qilaafsan tahay dastuurka iyo hanaanka sharci-dejinta dalka. Qodobka 76aad (2) Dastuurka wuxuu xeerinaya sidan: “Haddii aan Dastuurku si kale u sheegin, go’aammada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi waxay ku ansaxayaan codad aqlabiyad ah marka loo eego tirada guud ee xubnaha Aqalka”.

Sida ku cad qodobkan, Shuruucda Aqalka Sare soo gudbinayo waxay ku ansaxaan marka ay ogolaadaan ugu yaraan 28 mudane ee xubnaha Aqalka Sare ah”. Sidaas daraadeed Sharcigan Sooma Marin Habraaca Sharci-Dejinta Dalka, Mana Waafaqsana Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa sharci daro ahayd codeyntii loo sameeyey Soojeedintii (mooshinkii) mudaneyaasha Aqalka Sare ay kulanka bilowgiisii ku dalbadeen in sidiisa loo qaato waxka-bedelkii sharciga ee Golaha Shacabka ka soo gudbay isaga oo aan waxba laga bedelin taas oo iyaduna khilaafsan xeerhoosaadka Aqalka Sare sida ku cad qodobka 34aad (6) ee xeerhoosaadka Aqalka Sare.

Sidoo kale, sharcigaan waxa diiday xubnaha Golaha Aqalka Sare ku matala mid ka mid ah Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka;
taas oo ah sabab lagu duri karo ansaxa iyo dhaqangelidda sharcigan, sida ku cad qoddobka 86aad (2) ee Dastuurka KMG ah.

Sidaas daraadeed, maadaba sharcigani leeyahay daldaloolo badan oo dastuuri ah waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya iyo Gudoonka Aqalka Sare in Hindise-Sharciyeedkan Batroolka dib loogu soo celiyo Golaha Aqalka Sare si loo marsiiyo habraaca sharci-dejinta ee ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerhoosaadka Aqalka Sare.

Waxaan sidoo kale ugu baaqayaa Garyaqaanka Guud ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya in uusan ku soo saarin sharcigan FAAFINTA RASMIGA ah ilaa iyo inta laga marsiinayo habraaca sharci-dejinta Dalka.

Hadaba, aniga oo ah mudane ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaan uga digayaa shirkadaha caalamiga ah iyo wadamada shisheeye ee daneeya maalgashiga kheyraadka Soomaaliya in aysan ku kedsoomin cuskashada Hindise-Sharciyeedkan Batroolka ee aan weli noqon sharci meelmar ah oo waafaqsan Dastuurka KMG ah.

Ugu dambeyntii, waxaan si qayaxan u sheegayaa in heshiis kasta oo aan ku salaysneyn sharci soo maray Goleyaasha sharci-dejinta BFS si waafaqsan Dastuurka KMG ah uu yahay wax kama jiraan, cid kasta oo ku lug yeelatana ay ku kacday boob iyo xatooyo HANTI QARAN, waxaana lala tiigsan doono sharciyada dalkeena iyo xeerarka kale ee caalamiga ah.

Mahadsanidiin.

Xil. Mahad Salad
Golaha Shacabka