Xeer ilaaliyihii Maxkamadda Ciidamada Puntland oo Boosaaso lagu dilay

Wararka Maanta

Waxaa goor dhawayd magaalada Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari lagu dilay C/kariin Xasan Firdhiye xeer ilaaliyihii maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland, waxayna wararku sheegayaan inuu toogteen rag bistoolad ku hubaysan.

Xeer ilaaliyaha ayaa lagu hor dilay maxkamada ciidamada qalabka sida oo ku taal bartamaha Magaalada Bosaaso sidaasna uga fogayn Qaybta Booliska Gobalka Bari iyo Saldhiga Bartamaha Bosaaso.

Waa masuulkii sadexaad ee wax ka yar labba todobaad si bareera loogu dilo bartamaha Magaalada Bosaaso.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xili ciidamadu ku daba jireen ragii diley taliye ku-xigeenkii sadexaad ee ciidamada Booliska iyo Maamulihii Madaxtooyada Bosaaso.