Xeer ilaaliyaha Qaranka oo taageeray in dib loogu laabto doorashada 8 Kursi

Wararka Maanta

Dr. Axmed Cali Dahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa taageeray go’aankii ay horey u gaartay Maxakamdda sare ee dalka, kaasoo ahaa in dib loogu laabto doorashada 8 kursi oo ka mid ahaa kuraastii lagu muransanaa ee ay horay u laaleen Guddigii xalinta khilaafaadka.

Axmed Cali Dahir ayaa sheegay inay muhiim tahay in la dhaqan geliyo go’aanka Maxkamadda sare soo saartay, waxaana uu xusay in Guddoonka Baarlamaanka laga doonayo inay tixgeliyaan oo ay dhageystaan amarka Maxkamadda.

“Waxaan taageerayaa go’aanka Maxkamadda sare ka soo baxay, anaga ma doonayo inaan u kala safano Xildhibaanada, balse waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo Cadaaladda, si xalaal ah dib doorasho loogu celiyo kuraasta aan saxneyn ee Baarlamaanka ku jira”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

 soo saartay go’aan ay ku amreyso in dib loogu laabto doorashada 8 kursi oo ka mid ahaa kuraastii 11 ahaa ee ay horay u laaleen Guddiga xalinta khilaafaadka, hase ahaatee markii dambe Madashii Hoggaanka Qaranka ay amreen in la fasaxo.