Xasan Sheekh Madaxweyne Soomaaliya ee ugu horeeyey Booqda Jigjiga (Sawirro)

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeyay ee  booqdo magaalada Jigjiga, kaasoo ah dhulkii Soomaali galbeed oo ay Itoobiya heysato.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la yeeshay madaxda deegaanka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.

xasan-jigjiga

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynuhu la kulmey Golaha Wasiirada ee Dowlad Degaanka, isagoo khudbad u jeediyay kana waramey muhimadda ay leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ka dhexeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale booqday dhowr mashruuc horumarineed oo laga hirgeliyay magaalada Jigjiga.

xasan-jigjiga2

Waxaa uu Madaxweynaha intii uu goobahaasi booqanayey warbixino uu ka dhegeysanayay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowlada Degaanka Soomaalida Ethiopia.

“Waxaa aad ii soo jiitay mashaariicdan kala duwan ee houmarinta ee aad dalka ka waddaan, waana calaamad muujineysa guulaha aad ka gaarteen hirgelinta nidaamka federaaliga ee Ethiopia ka jira. Farxad ayay u tahay Soomaaliya iyo guud ahaan qof kasta oo Soomaaliyeed inaad noqoteen degaan ay ku daydaan guud ahaan degaannada kale ee Ethiopia ka jira’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

xasan-jigjiga3

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn , ayaa isna khadka telefonka kula soo xiriiray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo booqashada taariikhiga ah ee uu ku yimid Jigjiga.

Waxaa Madaxweynuhu uu sidoo kale xalay magaalada Jigjiga kaga qeybgaley xaflad ballaaran oo soo dhoweyn ah oo ay ka soo qeybgaleen madaxda iyo dadweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia.

Khudbad uu halkaasi ka jeediyay Madaxweynaha ayaa waxaa uu ka mahad celiyay soo dhoweynta qiimaha leh ee isaga iyo wafdigiisa loo fidiyey, wuxuuna xusay in Soomaaliya iyo Ethiopia-da cusub ay iska kaashanayaan dhinacyada sugidda amniga, horumarka , arrimaha bulshada iyo dhinacyo kale oo farabadan.

 

3 thoughts on “Xasan Sheekh Madaxweyne Soomaaliya ee ugu horeeyey Booqda Jigjiga (Sawirro)

Comments are closed.