Xildhibaan Difaacay Ciidanka Dowladda Dhexe ee la wareegay Madaxtooyada Cadaado

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Xildhibaan Garaad Yuusuf, oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug, ayaa difaacay ciidamada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) geysay Cadaado iyo Caabud-waaq. Waxa uu sheegay in Madaxtooyada Galmudug ee Cadaado lagala wareegay Maleeshiya Beeleed, taasina ay ku saxan tahay DFS. “Ciidanka joogay (Cadaado) waxay ahaayeen ciidan aan sax ahayn oo maleeshiya beeleyd ah” ayuu Xildhibaan Garaad ku yiri Kalfadhi.

Isagoo diidaya, ogolnah in ay DFS faragelisay Galmnudug  ayuu sheegay iney Dowladda Dhexe u tahay dowlad Soomaaliya oo dhan. “Dowladda Federaalka anigu ma qabo iney faragelin sameeneyso” ayuu yiri Xildhibaan Garaad. “Cidda kaliya ee faragelin sameyn kartana waaba Dowladda Dhexe” ayuu hadalkiisa raaciyey. Taas waxa uu sabab uga dhigay in xukumaddu ay haysato sharciyad ay ku farageliso meeshii ay u aragto in ay qatari kasoo socoto, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in tagitaanka Ciidanka DFS ee Cadaado raali laga yahay ay tusaale u tahay sida uu Maamulka Cadaado u soo dhaweeyey arrinkaas. Waxaa kaloo uu sheegay in la wareegista Cadaado ee DFS ay suuragelin karto in Xafiisyada Galmudug ee degmadaas ay gacanta maamulka dib ugu soo noqoto, sida uu hadalka u dhigay.“Waxay noqon doontaa mid maamulka iyo dadka deegaanka loogu adeegaayo” ayuu yiri Xildhibaanku.

Waxa uu intaas raaciyey ineysan jirin wax baqdin ah oo uu ka qabo in ay tagista Galgaduud, ciidankaas ay u dirtay DFS, kusoo kordhin doonin halis iyo colaad, sida ay ka digtay Madaxtooyada Galmudug. “In ulajeedkii ahayd ay madaxtooyo u ahayd loo adeego, umaleynmaayo in ay dhibaato ka imaaneyso” ayuu yiri Xildhibaan Garaad Yuusuf, oo u warreysi siiyey Kalfadhi.

Xigasho: Kalfadhi