Xildhibaan Bootaan Ciise oo geeriyooday

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Allaha u naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ah Xilhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay ku geeriyooday dalka Hindiya, ka dib markii halkaasi uu u tagey arrimo la xiriira xaalad caafimaad.

Xildhibaanka ayaa la sheegay xalay inuu ku geeriyooday isbitaalkii uu ku jiray, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Ehelada marxuumka iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida marxuum Bootaan, oo habeenkii xalay ku geeriyooday isbitaalka ku yaalla dalkaasi Hindiya.

Alle ha u naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa ka mid ah Xildhibaanada lagu soo doortay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah Maamulka Galmudug.