Xabi Alonso Oo Doonaya Inuu Ku Laabto Real Sociedad

Ciyaaraha

Xabi Alonso ayaa shaaca ka qaaday inuu ka fikiraayo inuu ku laabto kooxda Real Sociedad.

Xagaagii lasoo dhaafay, Alonso waxa uu soo gabagabeeyay waayihiisa kubada cagta, iyadoo ciyaaryahanka reer Spain uu shan sanno ku qaatay xirfadiisa ciyaareed kooxda Sociedad halkaas oo uu 124 kulan u saftay tartamada oo dhan.

Alonso ayaa carabka ku adkeeyay inuu weli go’aan ka gaarayo qorshihiisa mustaqbalka, laakiin ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ayaa qirtay inuu jeclaan lahaa inuu mar kale ku laabto White and Blues.

37 jirkaan ayaa u sheegay Cadena Ser: “Malaha maalin uun ayaan noqon doonaa tababaraha, booskeyga aan jeclahayna waa inuu ku laabto Real Sociedad.”

Alonso ayaa sidoo kale waqti ku qaatay Liverpool, Real Madrid iyo Bayern Munich intii uu kubada ciyaarayay.