Sh. Maxamed Macalin oo lagu xiray Boosaaso.

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka maamulka Puntland ay xireen Sh. Maxamed Macalin Axmed oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga dhismaha Wadada dhexmarta Bartamaha Boosaaso.

Ciidanbka ayaa la sheegay in ay qabteen Sheekh ka dib markii uu kasoo laabtay Safar uu kaga maqnaa dhowr maalmood degaanada maamulka Puntland.

Ciidanka maamulka Puntland ayaa horay u xiray  Sadex xubnood oo ka tirsan Guddigaasi oo loo heysto Lacag ay u soo dirtay Dowladda Fedraalka ah.

Guddiga ayaa diiday in ay celiyaan lacagta oo sheegeen in dhismaha Wadada ay ugu deeqday dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyey faragalin ay ku hayaan arimaha Gudaha Puntland, waxaa xukuumadda Nabad iyo Nolol horey lacag ugu deeqday Dhalinyarada Waqooyiga Gaalkacyo iyo Guddiga Dhismaha wadada Magaalada Boosaaso.