Heesta: Ma qajile! Bashiir M. Xersi 

Arimaha Bulshada Fanka & Suugaanta Wararka Maanta

Screenshot_2017-05-07-14-20-31-1

Hees: Ma qajile!

Qabqablaha iyo
Qowsaar liitaha
Qoys u taliyaa
Qaymo daranaa!

Eeg qaraabooy
Bal qabbaankaan
Carruur qaajoon
Oo in badan qaday
Oo xanuun qaba
Qoryo saaraye
Ku qoslaa weli!

Carruur qoortiyo
Tunka qolof iyo
Qod culays badan
Qaddar soo sidday
Oo harraad qaba
Qoryo xaabada
Ku qamaamudan
Anoo ku qoslaya
Sawir iga qaad
Qaynuun kee dhiga?

Qadaadweynoow
Qaayin tuugyohow
Qabqablayn iyo
Qiiq habaasyada
Is ku qariyaa
Ha ku qoorqaban
Qalad maatida
Haddaad qajilee
Ama ka qallee!

Qadaadweynoow
Qaayin tuugyohow
Carruur dhowr qaday
Adoon qoryo iyo
Qodxaha ku hilin
Canaab ku qabqaban
Casho iyo qado
Quraac iyo cabid
Cashir qoran iyo
Caafimaad qiran
Shaqo qoondale
Mushaar quudina
U qorsheeyoo
U qidmey nolol
Ama ka qallee!

Soomaali qoqoban
Qoys walboy tahay
Waa qarracankaas
Qadyaan baan nahay
Qarax wadayaal
Waxaa ka qarriban
Qalbi weeynaha
Xilka qaadaye
Qabbo qabbo iyo
Inuu sawir qura
Ku qanciyaraba
Nolol qaabdaran
Naf ka qaylee
Shacab qarannimo
Qaabiddiisii
Quudarreynaya!

Qofka saan falay
Qalbi adagaa
Qarrib jecelaa
Qofnimo xumaa
Qiyaas daranaa
Qasad liitee
Dhibya qaxar iyo
Qoota qootiyo
Qabaclayn iyo
Qasaare badnaa!

Qoobishyo* tun weyn
Qawsaar aan nixin
Qowl lahayn baa
Na qabsadayoo
Qabbir na la dhigay!

Insaanka qaddari
Quruxi Aadane
Qaa’innimo iyo
Qish ka dheeroow
Haddaad qayr iyo
Qasad leedahay!

Qoobish; orgida dhallintaa.

Dhammaad.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

https://bilediraac.wordpress.com/