Wasiirka Arrimaha Dibadda oo laga reebay safarkii Madaxweynaha Dalka Qatar

Wararka Maanta
Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha ee Doxa u ambabaxay laga reebay safarka Madaxweynaha, xilli uu garoonka diyaaradaha ku diyaar garoobay.
Sababta loo reebay ayaa lagu sheegay in Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan oo aan wafdiga ka mid aheyn uu si lama filaan ah shalay gelinkii dambe ugu sii hormaray magaalada Doxa.
 
Wasiir Jamaal oo ka baxay Nairobi ayaa waxaa safarkiisa ku sii wehliyay Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo La Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan.
 
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa muddooyinkan dadaal ugu jiray sidii loo wanaajin lahaa xiriirka mugdiga ah ee soo kala dhex galay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka.
 
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa muddooyinkan dambe la sheegayay inuu ka ashtakoonayay in shaqadii Wasaaraddiisa uu la wareegay Wasiirka Qorsheynta oo dhowr shir uu ka qeyb galay, hab maamuus ahaana uu lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Hab maamuus ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sida caadada ah Safarada rasmiga Madaxweynaha uu ku tago dalalka dibadda ku wehliya ama uga sii hormara Madaxweynaha dalka uu u socdo.
Xigasho: Jowhar News