Sarkaal Alshabaab ah oo lagu dilay Duqeyn Diyaaradeed

Wararka Maanta

Sarkaal ka tirsanaa  Al Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose, sida masuuliyiin dowladda ay xaqiijiyeen.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf, ayaa wuxuu sheegay Sarkaalka duqeynta lala beegsaday inuu madax ka ahaa Saraakiisha Shabaab ee Buuraha Galgala ka dagaalanta.

Magaca Sarkaalkaan ayaa waxaa lagu soo koobay Dheereye, waxaana lala dilay Afar nin oo ilaalo u aheyd.

Duqeynta ayaa waxaa fuliyay diyaarad Drone ah, waxaana ay dhacday shalay galab sida masuuliyiinta Maamulka Degmada Baraawe ay sheegeen.

Bashiir Maxamed Yuusuf Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Baraawe ayaa sheegay duqeynta inay ka war hayeen Maamulka Degmada Baraawe.

Al Shabaab ayaanan illaa hadda ka hadlin duqeyntaan lala beegsaday Sarkaalka ka tirsanaa Al Shabaab.