RW Kheyre oo Xalay Kormeeray Ciidamada Sugaya Amniga Xamar (Sawirro)

Wararka Maanta

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeer uu ugu kuur gelayo xaaladda amni ee caasimadda kusoo maray qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Ra’iisul wasaaraha oo kormeerka ay ku weheliyeen Wasiirka Amniga, Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Nabad-sugidda iyo saraakiil kale ayaa ciidamadda xasilinta la qaateen wakhti iyagoo kula dardaarmay inay laban-laabaan shaqada ay qaranka u hayaan.

Ciidamada amniga ayaa xoogga saaraya in ay sugaan ammaanka xaafadaha ku yaal daafaha caasimadda, si loo yareeyo dhaqdhaqaaqa xoogga dhibaatada ka geysta gudaha magaalada, Qorshahan cusub ayaa wax ka badalay aminiga magaalada, waxaana hoos u dhacay Qaraxyadii magaalada.